Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Kulmiye Oo La Magacaabay
Hargeysa, March 10, 2020 (Haatuf) – Guddida fulinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa ansixiyey wakhtiga la qabanayo shirweynaha 4aad ee xisbigaas iyo guddida qabanqaabada, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbigaas Axmed Cabdi Dheere oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiska guud ee xisbiga.
Shirweynaha Xisbiga oo u muddaysnaa bisha April ee sanadkan, ayaa waxa loo muddeeyey bisha June, waxaana la magacaabay 14 xubnood oo loo xilsaaray qabanqaabada Shirweynaha.
Leave a comment