Guddoomiyaha Golaha Wakiiilada Ee Maraykanka Oo La Kulmay Madaxweynaha Taiwan
Simi Valley,Calif April 5 2023( Haatufonline)-Waxa maanta gobolka California ku kulmay guddoomiyaha golaha wakiilada ee Maraykanka Kevin McCarthy iyo madaxweynaha dalkaTaiwan Marwo Tsai Ing-Win taasoo ka cadhaysiisay dawladda Shiinaha oo iyadu sheegata in Taiwan tahay gobol ka mid ah.
Kulankan oo ka dhacay maktabadda madaxweynihi hore ee Maraykanka Ronald Reagan ayaa soo jiita indhaha caalmka waxaanu noqday kii ugu meeqaanka sareeyey ee ciidda Maraykanka ku dhex mara masuuliinta labada dhinac ee Maraykanka iyo Taiwan tan iyo markii uu Maraykanku aqoonsaday dalka Shiinaha sanadkii 1979 isla markaana uu aqoonsigii dibomaasiyadeed kala noqday Taiwan.
Hasayeeshee dalka Maraykanku waxa uu kasoo horjeedaa in Shiinuhu uu Taiwan cudud milatari ku muquuniyo kuna soo xerogaliyo,waxaanu Maraykanku Taiwaan ka iibiya hub casri ah oo nooc walba leh.
Taiwan oo ah dal yar oo horemaray ayaa waxa ka jira nidaam dimuqraadi ah halka dalka Shiinu ku dhaqmo nidaam shuuciya oo uu ka taliyo xisbi qudha.
Waxa xusid mudan in bisha January ee sanadka dambe ay dalka Taiwan ka dhici doonto doorashadi madaxweynaha waxaana u tartanku dhex mari doona Xisbiga Demuqraadiga ee Horusocdaka Ah iyo Xisbiga Wadaniga Ah ee mucaaridka ah iyadoo maxadaxweyne Tsai Ing-wen aanay doorashadan isa soo taagi doonin maa daama ay laba jeer xilka madaxweynenimo soo qabatay.
Leave a comment