Gudoomiyaha SOLJA Oo Guddida COVID19 Ee Somaliland Ku Dhaliilay Daahfurnaan La’aan Dhaqaalaha Wacyigalinta Coronavirus
Hargeysa, May 31, 2020 (Haatuf)
– WAR-SAXAAFADEED:- “Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), isagoo ka duulaya wax
ka qabashada kaalinta kaga beegan masiibadda xanuunka COVID-19 ee dunida ku
habsaday, gaar ahaan dhibaatadda uu ku keenay Ummadda Somaliland, waxaannu wax
ka qabanay Wacyigalinta iyo Jihaynta Suxufiyiinta Somaliland Bad-qabkooda iyo
Bad-qabka bulshada reer Somaliland.
Ururka SOLJA, waxa uu dhamaan Wariyayaasha
Somaliland illaa heer Gobol/degmo u qaybiyey qalabka lagaga gaashaanto
Xanuunka, isagoo taageero ka helaya hay’addaha sida tooska ah ula shaqeeya ee u
igman Bad-qabka Suxufiyiinta.
Sidoo kale, Ururka waxa uu Wacyigalin iyo Tababaro
ka siiyey Suxufiyiinta sidii ay uga soo warami lahaayeen goobaha hawlaha
xanuunka lagu hayo, iyadoo lagu tababaray inay sida ugu Togan uga soo waramaan
Xanuunka, iyagoo nafahooda iyo nafaha kale-ba Caafimaad qabkooga ilaalinaya,
haddii ay tahay qalab iyo haddii ay tahay tilmaamaha la raacayaba.
Ururka SOLJA, waxa uu bar bar waday Xog ururin
(Research/monitoring) la xidhiidha qaabka loo baahiyey wararka iyo Wacyigalinta
la xidhiidha xanuunkaasi isagoo hawl-galiyey Aqoonyahanno xirfad dheeraad ah u
leh ururinta, Kaydinta iyo Shiilidda xogta ay ururinayaan sidii qaranka loogu
soo bandhigo waxa la qabtay iyo waxa u baahan in wax laga qabto.
Sidaas daraadeed, Mudane Madaxweyne Ururka SOLJA si
uu macluumaad dheeraad ah uga helo guddida iyo waxyaabaha ay ka qabatay
Wacyigalinta xanuunka COVID-19 waxa lagama maarmaan noqotay inaanu helno
macluumaadka nagaga xidhan xafiiska guddida u qaabilsan maamulka hawlaha la
dagaalanka iyo ka hortaga Xanuunka.
Xogaha aannu u baahanahay:-
1. Dhaqaalaha iyo Agabka Wacyigalineed ee guddida
Heer qaran u qoondaysay ololaha Wacyigalineed ee xanuunka COVID-19 iyo siday u
baxday
A) Qoondada Warbaahinta Dawladda ee dhaqaalaha
Wacyigalinta
B) Qoondada Warbaahinta gaarka loo leeyahay
2. Liisaska magacyadda Shaqaalihii Caafimaad iyo
Wariyayaashii loo kala diran goboladda Dalka bilowgii xanuunka ee ka qayb
qaatay Wacyigalinta
3. Wacyigalinta iyo dhaqaalaha ay hay’addaha
Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ahi ku bixiyeen ololaha Wacyigalinta ma laga
qayb galiyey
A) Warabaahinta Dawladda
B) Warbaahinta gaarka loo leeyahay
C) Bahda Qoraaladda iyo Fanaaniinta
4. Farriimaha ay guddidu u qaybisay ama
Wasaaraddaha Caafimaadka iyo warfaafintu Warbaahinta sida:
A) Telefishanada
B) B) Wargeysyadda
C) Mareegaha bulshada
D) Baabuurta Mikirifoonadda la wareega
5. Ma jirtaa Farriimo midayasan ama xog si wadajir
ah ay u diyaariyeen
A) guddidda Heer Qaran/Secratariat-ka
B) Wasaaradda Caafimaadka
C) Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka &
Wacyigalinta
6. Ma jirtaa ama Door noocee ah ayey ka gaysteen
Wacyigalinta Xanuunka dhaqaale ahaan iyo agab ahaanba
A) Ururadda bulshada Rayidka ah
B) Shirkaddaha Daabacaadda
C) Warbaahinta kala duwan
7. Ma jirtaa Dabagal(monitoring) iyo
Qiimayn(Evaluation) guddidda Heer qaran/Secratariat-ku ku sameeyeen
Wacyigalinta maxaa ka soo baxay
A) Ma si fiican bay u socotaa
B) Mise dibu-dhac baa ka jira
C) Ma gaadhay dadweynaha oo dhan
D) Ma jiraan meelo aanay gaadhin Farriimuhu
8. Farriimaha Wacyigalinta lagu sameeyay cidii
doontaa ha samaysee ma ahaayeen
A) Kuwo wax ka bedelay Fahamka bulshada ee xanuunka
B) Ma ahaayeen kuwo abuuray jahawareer
C) Goobaha iyo noocyadda dadka Farriimuhu ma
ahaayeen kuwo ku jihaysan
D) Fariimuhu ma waxay ahaayeen kuwo guud
E) Farriimaha mar na wax ka bedel horumar iyo wax
ka saarid ma lagu sameeyay
9. Doorkee ayey Dhakhaatiirtu ka qaadatay
Wacyigalinta caafimaad ee bulshada
A) Ma faa’iiddo ayey lahayd
B) Ma dhibaato ayey ku keentay
C) Ma jahawareer ay kordhisay
D) Ma la middeeyey
10. Abwaanaddu doorkee bay ka qaateen wacyigalinta
A) Heeso
B) Masraxiyad
C) Geeraaro
D) Gabayo
11. Waa sidee fahamka bulsho ee xanuunkani
Wacyigalinta kadib
A) Wax ma iska bedeleen
B) May diidan yihiin
C) Intee wax iska bedeleen
12. Wacyigalin ma loo sameeyay dadka Karantiinka la
galiyey
A) Markay soo galayeen Dalka
B) Goobaha lagu karantiimeeyey
C) Markay ka baxeen Karantiinka
13. Warbixinaha Warbaahinta laga sii daayey
A) Ma ahaayeen kuwo dadweynuhu ku laab
qabawsanayeen
B) Ma ahaayeen kuwo cadho ku abuurayey
C) Ma ahaayeen kuwo wixii lagu sheegay laga
dhabeeyey oo la suurtogaliyey si ay dadweynuhu ugu niyad samaadaan
balanqaadyaday xambaarsanaayeen.
Sidaas daraadeed, Mudane
Madaxweyne si aan Xogtan ugu soo dirno kooxda ka shaqaynaysa ee ku hawlan
daraasadan waxaan kaa codsanaynaa inaad wakhti ku haboon fursad noogu siiso
isla markaanna noo amarto in xogtaas oo dhamaystiran nala wadaagtaan.
Maxamuud Cabdi Jaamac
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)
Leave a comment