Latest News

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Booqday Taliska Ciidanka Qaranka Ee Oog

Oog, August 9, 2024 (Haatufonline) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa maanta booqday taliska ciidanka qaranka ee Oog.

Guddoomiyaha waxa ku soo dhaweeyay taliska ciidanka ee degmada Oog saraakiisha ciidanka qaranka oo si niyadsami leh ugu soo dhaweeyay xarunta ciidanka.

Taliyaha hawgelinta ahna afhayeenka ciidanka qaranka sareeye guuto Cabdi Cabdilaahi ( Cabdi dheere) ayaa sheegay in ciidanka qaranku ay jecel yihiin Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay masuul waddaniya oo dalkiisa la jecel wada jir iyo horumar.

Taliye Cabdi Dheere wuxuu sheegay in taliyaha ciidanka Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani uu amar ku siiyay saraakiisha inay mar walba soo dhaweeyaan Guddoomiyaha UCID.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa bogaadiyay ciidanka qarsnka oo uu tilmaamay inay si wacan u soo dhaweeyaan mar kasta oo uu booqdo fadhiisimadooda.

Guddoomiyaha UCID wuxuu sheegay in ciidanka qaranku uu yahay mid karti leh oo ku filan difaaca dalka, isla markaana karti u leh inay nabad ilaalinta caalamka ka shaqeeyaan.

Guddoomiyaha UCID wuxuu intaas ku daray inuu ciidanka qaranka ee taliska Oog uu gaadhsiiyay sallaan uu uga siday shacabka reer Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*