Guumaadka Ay Kooxda Alshabaab Ku Hayso Odeyaasha Dhaqanka Waxa U Dambeeyey Nabadoon Xuusuf Dhoore
Muqdishu,April 18,2022(Haatufonline)-Kooxda Alshabaab ayaa waxay caadaysatay inay si gaar ah u gumaaddo odayaasha dhaqanka ee dalka Soomaaliya waxaana u dambeeyey Nabadoon Yuusuf Daahir Khayre(Yuusuf Dhoore) oo ay habeen hore ku dileen xaafadda Hodan ee Muqdisho.
Alshabaab waxay inta badan dilaalka ay u geysato odeyaasha dhaqanka ku sababaysaa inay wax kasoo xuleen ergo kasoo qaybgashay doorasho hasayeeshee xaqiiqadu intaas way ka fogtahay oo kooxda Alshabaab waxay kasoo horjeedda dhaqanka Soomaalida ee ay Soomaalidu xishmayso isla markaana u adeegsato nabadaynta beelaha,mag-bixinta,guurka,iyo waxyaalo badan oo saamayn ku leh mujtamaca iyo nolasha Soomaalida.
Si kale hadii aynu u dhigno khawaarijta Alshabaab waxay dhaqanka Soomaalida u arkaan mid caqabad ku ah in dadku wada qaataan oo u hogaansamaan manhajkooda iyo fikirkooda xagjirka ah. Hadaba Alshabaab oo himiladoodu tahay inay noqdaan kuwa kalidood u taliya bulshada ayaa waxay aaminsanyihiin in odeyaasha dhaqanku yihiin cidda saamaynta ugu badan ku leh bulshada ee iyaga tartanka kula jirta,waxaanay Alshabaab u muuqdaan inay ku socdaan qorshe ku talo-gal-ah oo ay ku tirtirayaan dhaqankii Soomaaliyeed iyadoo ay u marayaan in marka hore ay cidhibtiraan wixii la odhan jiray odey dhaqan.