Latest News

Guushii Baxdo Waxaynu Ka Baranay In Alshabaab Lagu Jabin Karo Dagaal Dadweyne

 

Xuseen Colaad

 

FAALLO

Haatufonline June 20,2022.

Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca(ASWJ) ayaa guul weyn kasoo hooyey dagaalki Jimcihi dhaweyd iyaga iyo kooxda Alshabaab ku dhex maray tuulada Baxdo ee ku taala gobolka Galguduud ee Somalia.Alshabaab ayaa subaxnimadi hore er maalintaas weerar kusoo qaaday Baxdo si ay u qabsadaan,hasayeeshee waxay iska-caabin xoog leh kala kulmeen maleeshiyo Xerow ah oo ka tirsan ururka ASWJ.Weeraryahanadi Alshabaab waxay noqdeen wax la dilay,wax la qabtay iyo wax firdhaday.

 

Guusha weyn ee ASWJ kasoo hooyeen dagaalki Axdo waxay mar kale ina tusaysa oo daliil u tahay in sida kaliya ee Alshabaab lagu jabin karaa ay tahay dagaal dadweyne oo deegaan walba lagala hortago.

Alshabaab waxay jiri karta uun inta uu dadku habranayo ee uu qofwalba u dulqaadanayo amaba qarsanayo dhibaatada ay Alshabaab ku hayso. Laakiin hadii ay dadku soo jeedsadaan oo ay sida ASWJ wax iskaga celiyaan Alshabaab ma sii jiri karto waqti badan.

 

In badan ayey Somalia isku halaynaysay ciidan milatari oo Alshabaab ka xoreeya.Caalamka oo taas la qabaana isna mudo dheer ayuu isku taxalujinayey inuu ciidan u dhiso Somalia.Waxa kale oo ay beesha caalamku dalka Somalia muddo 20 sanadood ah ku masruufaysay ciidan Afrikaan ah oo tiro badan.Laakiinse ciidanka Somalia loo carbinayey iyo ciidanka Afrikaanka ahi midna uma dhisnayn qaab uu ku muquunin karo Alshabaab.Labadaas ciidanba baahibaa kaliftay laakiinse marnaba umay arkayn la dagaalanka Alshabaab qadiyad mudan in loo dhinto,waana farqiga u dhaxeeya iyaga iyo dagaalyahanada ASWJ taasoo loo baahanyahay in la fahmo oo looga faaiidaysto dhismaha istraatiijiyad ku salaysan dagaal shacbi oo ay Somalia iskaga xorayso argagixisada Alshabaab.

Connect with us on Facebook