Latest News

Hakan Fidan Oo Kulan La Yeeshay Wasiirada Arimaha Dibada Ethiopia Iyo Somalia Ka Dib Fashilkii Wadahadalada Labada Dal.

New York, September 27, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka Arimaha Dibada Ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa kulan la yeeshay Wasiirada Arimaha dibada ee Ethiopia iyo Somalia.

Kulankan Wasiirka arimaha dibada Turkigu la qaaday Wasiiradan oo ka dhacay guriga Turkiga ee magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa yimid ka dib markii uu fashilmay kulankii saddexaad ee Turkigu ku dhexdhexaadinayey Ethiopia iyo Somalia oo ka dhici lahaa Ankara.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in aanu muuqan jid ay u sii wadahadlaan dalka Ethiopia maadaama oo ay ka noqon la’dahay heshiiskii ay la gashay dalka Ethiopia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*