Hawlgal Lagu Guulaystay Oo Biyaha Iyo Dekadaha Badda Cas Ka Badbaadiyey Masiibo Ku Habsan Lahayd
Hargeisa,August 15, 2023(Haatufonline)- Siday Qarmada Midowday sheegeen,taankar shidaalka qaada oo ku daxalaystay meel badda dhexdeeda ah oo 50 km u jirta dekadda Xudayda ee Yeman ayaa Jimcihii lasoo dhaafay lagu guulaystay in hal milyan iyo boqol kun oo foosto oo saliid ah laga soo nuugo isla markaana lagu shubo Taanker kale oo ay Qaramada Midoobay usoo kiraysteen kala wareejinta shidaalkan si looga hortago inuu ku daato badda oo uu deegaanka gaadhsiiyo masiibo aan laga soo waaqsan karin. Taankar-ka saliida laga shubay oo magaciisa la odhan jiray Saafer ayaa badda dhexdeeda ku sugnaa sanado badan waxaana sideetanaadka qarnigii lasoo dhaafay soo iibsatay dawladda Yemen si ay ugu kaydsato shidaalka. Hasayeeshee laga bilaabo markii uu sanadkii 2015 dagaalku ka dhex qarxay dalka Yeman ilaa hadda ayaan wax dayactir ah lagu samaynin taankerkii Saafer taasoo keentay inuu ku dhex daxalaysto biyaha Badda Cas qaybta ay Xuutiyiintu haystaan. Hadaba markii la ogaaday in Saafer qarka u saaranyahay inuu daxal iyo dayactirla’aan la burburo oo halka milyan iyo boqolka kun ee foosto ee shidaalka ku jiraa badda ku qubtaan,ayaa waxa dhawrkii sanadood ee u dambeeyey jiray dadaal ay Qaramada Midoobay hogaaminayso oo ku waajahan sidii shidaalka ku jira Saafer loogu wareejin lahaa taankar kale oo la barbar dhigo, waxaanay QM hawshaasi qandaraas ku siisay sharikadda Boskalis ee reer Holland. Bishi April 2023 ayaa taankarka sharikadda Boskalis leedahay ee la yidhaa Ndeavor u kasoo shiraacday dekadda Rotterdam iyadoo markii uu soo gaadhay koonfurta Badda Cas u kusoo xidh-dhay marsada Djibouti.Taankarkan Ndeavor ayaa markii la dhamaystiray hawlihii farsamo ee suurtagalinayey kala wareejinta shidaalka ka ambabaxay Djibouti. Ndeavor ayaa markii uu gaadhay bartii uu Saafer ku xanibnaa lagu barbar xidhay waxaana 25 July 2023 bilaabmay hawlgal shidaalkii lagaga soo nuugayo Saafer oo lagu shubayo Ndeavor taasoo ay QM sheegeen inuu guul ku dhamaaday 11 August 2023.
Hawlgalkan ayaa hadii aan loo tafxaydan lahayn waxa gayga Badda Cas ku habsan lahayd masiibo deegaan tii ugu waynayd ee abid soo marta badaha dunida. Waayo hadii saliidu ay biyaha badda ku daadan lahayd waxay afar jibaar ka badnaan lahayd saliidii ka qubatay taankarkii shidaalka siday ee 1989 ku dagay badda Alaaska taasoo sababtay mid ka mid ah waxyeelooyinkii ugu balaadhnaa ee soo gaadha deegaanka biyaha bada ilaa hadda. Saliidda ku jirtay Saafer a waxay galaafan lahayd makhluuqaadka biyaha badda ku nool ee bani aadamku cuno ama manaafacaadsado. Waxa kale oo suurtogal ahaan lahayd inuu kala xidhmo isu socodka gaadiidka badda taasina ay saamayn lahayd dekado badan oo u ku yaala xeebaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyadoo kharashka ku bixi lahaa in deegaanka laga nadiifiyo wisikhowga soo gaadha lagu qiyaasay 20 milyaar oo doolar.
Leave a comment