Hawsha Seegtay Raiisalwasaaraha Somalia Ee Hadii Aanu Wax Ka Qaban Doorashadu Dhamaystirmayn
Muqdisho,April 6,2022(Haatufonline)-Raaiisalwasaare Rooble ayaa waxa uu shalay xubinimada gudida doorashooyinka Federaalka ka saaray guddoomiyihi hore ee gudida Maxamed Ciro iyo xoghayehi hore ee gudida Cabdiraxiim Cadulcasiis kadib markii ay isku dayeen inay carqaladeeyaan hawsha bixinta shahaadadaha xubinnimada xildhibaanada cusub oo ay gudida doorashooyinku maalmahanba wadday.Labadan nin ayaa mudo dheer lugta ku walaaqay hawlihii doorashooyinka Somalia iyagoo u adeegaya kooxda Farmaajo.
Hasayeeshee waxa raiisalwasaaraha seegtay oo kolayba horiman doonta oo aheyd inuu is-wada raaciyo dhamaan xubnaha gudida ku jira ee u adeega kooxda Farmaajo.Hadii kale waxa hubaal ah in aanay carqaladihii kolba la hordhigayey aanay caydhinta Ciro iyo Cabdiraxiim ku dhamaanayn.
Xubinta ka khatarsan labadaas nin waxa weeye Axmad Aadan Dagaal oo lagu naanayso Axmed Safiina oo kasoo jeeda Somaliland ahna ninka uu Fahad Yaasiin ku aamino lacagta laaluushka ah ee loo qaybiyo xubnaha taabacsan Villa Somalia.Waxa Safiina arintan kala shaqeeya walaalki Mustafe oo ka shaqeeya wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo 4 xubnood oo kale oo wali ka tirsan gudida doorashooyinka kuwaasoo kala ah 1)Cabdijabbaar Cabdillashi Faarax oo kasoo jeeda Somaliland 2) Yuusuf Cabdikheyr Cabdinuur (Digil & Mirifle) 3) Cabdinaasir Maxamed Guuleed(Xawaadle) 4)Sacdiyo Xasan Xuseen(Digil & Mirifle).
Hadaba waxa aan shaki ku jirin in hadii uu raiisalwasaare Rooble 5taa xubnood kasaari waayo gudida doorashooyinka intay goori goor tahay in la arki doono iyadoo Fahad Yaasiin uu kala wareegay xubnihii gudida doorashooyinka intoodii badnayd.