“Heshiiskii MoU-gu Wuu Hirgalayaa, Wixii Xag-xaganayaana Ha Xagxagto” Madaxweyne Biixi
Hargeysa, September 6, 2024 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo xuduudeeda Wajaale ayaa sheegay in uu hirgalayo heshiiskii Isfaham ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Ethiopia, sidoo kale Madaxweyne biixi ayaa carabka ku dhuftay in dawladda Masar ay doonayo in xiligan ay inagu celiso dagaal ka dhaca meel ka fog dhulkeeda (proxy war).
“Markii aanu heshiiska isfaham (MoU) la galayey waxa aanu joognay in aanu nidhaa nin walba waxa uu raacayaa danta dalkiisa, danta dalkiisu waa maxay, waxa inagu martay oo Somaliland lugta hayaa dawladda Masar, maaha xasan iyo kuwa halkaa jooga. Dawlada Masar waxay doonaysaa Proxy war oo ah dagaal laguu wakiisho, ninbaa wuxuu odhanayaa anigu dadkayga layn maayee adigu laa.
Masar iyo Ethiopia waxay isku hayaan iyagay ka dhaxaysaa ama wabiga Nile ha isku hayaan ama dhaam ha isku hayaane, laakiin in nalo adeegsado anaga oo 1964kii iyo 1977kii garanayna, Masar ha na daafacdo, waayo aragnimadu waxay na tusaysaa caqliga saliimka ahina uu na leeyahay dadka qofkaad jaarka tihiin illaahay ayaa kuu doora kala go’ina maysaane, Soomaaliduna waxay tidhaa ‘Jaarkaaga Illaahay ayaa kuu dooray adigu maad dooran’ jaarkaaga colaad ku wad caqli maaha. Waxaanu doonaynaa jaarkayaga in aanu nabad ku wada noolaano anaga oo xor ah oo labada wadan oo wada siman ah,” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey heshiiskii Isfaham ee ay wadagaleen dawladaha Somaliland iyo Ethiopa “Heshiiskii MoU-gu wuu hirgalayaa, wixii xagxaganayaana ha xagxagto” ayuu yidhi Madaxewyne Biixi.
Leave a comment