Latest News

Hoos-U-Dhaca Dakhliga Dekadaha Badda Cas Oo Sii Siyaadaya.

Haatufonline,July 29 2024.

Tan iyo bishii November 2023 markii kooxda ay Iran taageerto ee Xuuthiyiintu bilaabeen weerarada ay ku qaadaan marakiibta marta Badda Cas waxay noqotay in gaadiidkii isticmaali jiray Badda Cas iyo Qooriga Suways( Suez Canal ) ay badankoodu ka leexdaan biyahaasi oo ay kasoo wareegaan Koonfur Afrika.
Arintan ayaa waxay keentay in hoos-u-dhac ku yimaaddo dakhligii kasoo hoyyan jiray marinka Suways iyo dekadaha wadamada ku yaala Badda Cas sida Israel,Urdun, Masar,Sudan,Eritrea iyo
Djibouti.
Intii ka horaysay weerarada Xuuthiyiinta waxa marinka Suez Canal ka gubi jiray 95% maraakiibta u kala goosha Aasiya iyo Yurub.
Konteenarada caalamka u kala gudba ayaa lagu qiyaasaa in boqolkiiba 30% ay mari jireen Suez Canal.
Masaarida ayaa waxa sanadkii kasoo gali jiray kanaalka ku-dhawaad 10 bilyan oo Doolar taasoo hadda boqolkiiba 70 hoos u dhacday ka dib markii ay maraakiibta badankoodi u leexdeen inay kasoo wareegaan Koonfurta Afrika markay sii socdaan iyo markay soo socdaanba.
Dekadda Iilaat ee Israel ayaa iyadu kacday oo dawladda ka dalbatay mucaawimo si aanay u xidhmin.
Weerarada Xuuthiyiinta ka sakow waxa dekadda Portsudan ee dalka Sudan si xun u saameeyey dagaalka halkaas ka socda iyadoo xata dawkadda Koonfurta Sudan ay joojisay saliidii ay ka dhoofsanjirtay dekaddaasi,halka qalalaasaha Badda Casi uu uga sii daray dekadda Eritrea ee Casab oo awalba aanay wax badan kasoo dagi jirin tan iyo markii uu dagaalku ka dhex qarxay Eritrea iyo Itoobiya sanadkii 1998.
Xooghayaha arimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell Fontelles oo dhawaan soo maray Djibouti ayaa ka dayriyey hoos-u dhaca ku yimid dakhligii ay Djibouti ka heli jirtay dekaddeeda taasoo u ku qiyaasay 60% balse wuxu sheegay in Midowga Yurub uu wax la qaban doono Djibouti.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*