Hub Laga Soo Raray Shiinaha Oo Loo Waday Alshabaab Oo Muqdisho Lagu Qabtay
Muqdisho,May 23,23(Haatufonline)-Waxa dekadda Muqdisho lagu qabtay hub laga soo raray dalka Shiinaha oo xukuumadda Somalia ay sheegtay in loo waday ururka argagixisada ah ee Alshabaab.
Dawladda Somalia ayaa 18 iyo 20 kii bishan shaacisay in laba konteenar oo soo gaadhay dekadda Moqdishu laga helay hub lagu soo dhex qariyey badeecaddo ganacsi.
Hubkan oo ay xukuumaddu noocyadiisa soo bandhigtay waxa ka mid ahaa qoryaha diiradda leh ee shanqadha rasaastooda aan la maqal iyo alaabooyin loo adeegsado qarxinta.
Dabagal aanu ku samaynay mid ka mid ah labada konteenar oo ay leedahay shirkadda MSC lambarkiisuna(tracking number) yahay MSMU8261141 waxa 31 March 2023 laga soo raray dekadda Ningbo ee dalka Shiinaha waxaana lasoo saaray markab magaciisa la yidhaa FELIXSTOWF ZF 311A kaasoo 7/4/2023 keenay dekad ku taala dalka Singapore.
Sadex maalmood ka dib waxa lasoo saaray markab cusub kaasoo usoo shiraacday xagga dalka Siri Laanka, halkaasna waxa kasoo qaaday markab kale oo 2/5/2023 keenay dekadda Mombaasa ee Kenya.Konteenarki wuxu dekadda Muqdisho ee ay maamusho shirkadda Turkiga ah ee Albayraq soo gaadhay 11/5/2023.
Inkastoo ay xukuumadda Somalia hubkan ku sheegtay in uu ahaa mid loo waday Alshabaab hasa yeeshee waxa muran ka dashay jihada iyo halka Alshabaaka hubka loo wadaa ku suganyihiin kadib markii uu hadal kasoo yedhay Dayax Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia kaasoo sheegay in hubkan loo waday huwanta ku sugun Laascaanood ee dagaalka kula jirta ciidamada xukuumadda Sommaliland.
Way noo suurtoobi wayday in aanu Dawladda Shiinaha wax ka waydiino hubkan lagu qabtay dekadda Muqdisho ee dalkeeda laga soo diray iyadoo aanay Shiinuhu ilaa hadda ka hadal hubkan dalkeeda ka yimid ee ay xukuumadda Somalia sheegtay in argagixiso,waxaana bulshada Somaaliyeed dhexdeda la iswaydiinayaa inay jirtay marar hore oo hubkan oo kale laga soo dajiyey dekadda Muqdisho oo aan la qabanin iyo inkale.
Leave a comment