Latest News

Hubkii Caabud Waaq Waxa Loo Waday Laascaanood

Dhuusamareeb,July 17 2024(Haatufonline)- Waxa maanta magaalada Caabud Waaq soo gaadhay odeyaal iyo xubno ka tirsan baarlamanka Somalia oo dhamaantood kasoo wada jeeda beesha Dhulbahante si ay beesha Mareexaan ugala xaajoodaan sidii ay Dhulbahante ugu soo wareejin lahaayeen hubkii ay doraad bililiqaysteen.
Wafdiga Dhulbahante oo markiiba la shiray madax dhaqmeedka Mareexaan ayaa daboolka ka qaaday in hubkaasi uu lacagtiisa bixiyey madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo la isla ogaa in la gaadhsiiyo galbeedka Gaalkacayo dabeeto loo gudbiyo Laascaanood.
Xildhibaanada iyo Odeyaasha dhulbahante oo markii hore kasoo kicitimay Muqdisho ayaa saaka kasoo duulay Dhuusamareeb waxaanay soo bandhigeen rasiidhyo xawaaladeed oo ay sheegeen inuu ku saxeexanyahay qofkii uu Xasan u igmaday soo iibinta hubkaasi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*