Latest News

Huuthiyiinta Oo Soo Bandhigay Video Ku Saabsan Markab Ay Salaasadii Weerareen

Haatufonline,October 5,2024

Kooxda Xuuthiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa soo bandhigay video ay ka duubeen weerar ay Salaasadii dhaweyd ku qaadeen markab taankar Shidaal ah oo lagu magacaabo Codelia Moon.
Taankarkan oo maraya Badda Cas ayaa Xuuthiyiintu la beegsadeen gantaalo iyo doonyo miinaysan oon dad la socon kuwaas oo ku qarxay .
Codelia Moon ayaa weerarka ay la tiigsadeen isagoo madhan oo kasoo noqday dalka Hindiya halkaas oo uu geeyey hal milyan oo foosto oo shidaal ah waxaana la sheegay in shaqaalihii ka samota baxeen weerarkii loo geystay taankarka.
Xuuthiyiinta ayaa hubka iyo tabaha ay adeegsadaan markay weerarayaan maraakiibta waxay kusoo kordhiyeen doonyo yar yar oo dheereeya balse ay u ekaysiiyeen kuwa ay kaluumaysatadu isticmaalaan.
Doonyahan oo u shaqeeya habka Daroonka ayaa iyagoo maqiiqan ku qarxa maraakiibta iyadoo meel fog laga hagayo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*