Ilaa Hadda Waxa La Ogyahay In 20 Qofoo Rayid Ahi Ay Ku Dhinteen Hotel Xayaat

Muqdisho,August 21,2022(Haatufonline)-Ilaa hadda waxa la ogaaday in 20 qof oo rayid ahi ay ku dhinteen weerarki uu ururka argagixisada Alshabaab Jimcihi shalay kusoo qaaday hotel Al-Xaat oo ku yaala magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in uu wali hotelka ka dhex socdo dagaal u dhaxeeya xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo wali hotelka ku jira iyo ciidamada ammaanka ee Somalia.