Latest News

Imaaraatka Oo Maanta Markab Ku Raratay Qalabkii Ka Yaalay Xamar

Muqdisho,May 13,2024(Haatufonline)- Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa soo gabogabaysay joogitaankeedii milatari ee Somalia kadib markii ay maanta markab ku raratay wixii qalab ahaa ee ka yaalay laba xeryo oo ku yaala Muqdisho oo ay saaraakiisha Imaaraatku ku tababari jireen ciidanka Somalia.

Labada dawladood ee Somalia iyo Imaaraatka ayaa bishii January 2024 heshiis milatari ku kala sexeexday magaalada Abu-Dhabi. Qodobada heshiiskan ayaa qeexayey in Imaaraatku ay Somalia ka caawiyaan dhinaca tababarada ciidanka isla markaana ay labada dhinac iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeedaba.
Inkastoo markiiba la bilaabay hirgalinta mashruucan hadana wuxu hakad galay muddo yar kadib markii la ogaaday in si balaadhan loo musumaasuqay mushaharkii iyo saadkii looogu talo galay ciidankii la tababaray ee xaraysnaa.
Waxa kale oo xidhiidhkii labada dhinaca si taban u saameeyey dilkii bishii February 2024 magaalada Muqdish loogu geystay shan ka mid ah saraakiishii ka socday Imaaraatka ee tababarada bixinayey iyadoo sadex ka mid ah saraakiisha la laayey ahaayeen qaar u dhashay dalka Imaaraatka.
Dawladda Maraykanka ayaa qudhideedu bishi April 2024 joojisay raashinkii ay siinjirtay ururka Danab ee ciidanka Somalia ee Maraykanku tababari jireen kadib markii la arkay raashiinkii mucaawimada ahaa oo suuqyada lagu kala iibsanayo.
Somalia ayaa lagu tilmaamaa dawladda ugu musumaasuqa badan aduunka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*