“In Alshabaab Loo Balaqo Xalane Waxa La Dhaafsaday Dilki Xild Aamina” Mid Ka Mid Ah Ehelada Aamina.

Beladweyn,March 24,2022(Haatufonline)-Dad ka mid ah ehelada xildhibaanki xalay fiidkii lagu dilay Beladweyne ee Aamina Maxamad Cabdi ayaa waxay sheegeen in xildhibaanka lagu dilay shirqool ay soo wada maleegeen kooxda Farmaajo/ Fahad Yaasiin iyo Alshabaab.
Iyadoo ay arintan faahfaahinayaan waxay sheegeen in Kooxda Farmaajo ay Alshabaab kula heshiisay inay dilaan xildibaan Aamina iyaguna Alshabaab u fududeeyaan galitaanka xerada Xalane si ay u fushadaan hawlgalkooda.
Kooxda Farmaajo ayaa si weyn ula colowday Aamina kadib marki ay muddo dheer u doodaysay cadaalad-u-hidda Ikraan Tahliil oo aheyd sarkaal u shaqeeya Sirdoonka Somalia oo raq iyo ruux la la’yahay meel ay ku dambasay balse loo aanaynayo taliyihii hore ee Sirdoonka Somalia Fahad Yaasiin iyo 2 ka mid ah kaaliyeyaashiisii.