Inter Oo 2-0 Ku Jiidhay Ac Milan

Lugtii 1aad ee Semi-finalka Horyaalka Kooxaha Yurub oo ay isku haleeleen Inter Milan iyo Ac Milan ayaa ku soo dhamaatay 2 gool iyo Waxba ay ku badisay Inter.
Ciyaartan oo ahayd mid xiiso badan oo ka dhacday Stadiumka San Siro ayaa laacibka Inter ee E. Džeko uu daqiiqadii 8aad uu u dhaliyey goolka koowaad, halka goolka labaadna uu dhaliyey H. Mkhitaryan daqiiqadii 11aad.
Hase yeeshee Ac Milan ayaanay caawa u suuragalin inay wax goolal ah dhaliyaan, taas oo sii fogaynaysa rajada inay tagaan Ciyaarta Finalka.
Leave a comment