Latest News

Iran Oo Dakhli $3 Bilyan Ah Ka Heshay Taankar Saliidda U Tahriibiya

Haatufonline,July 16,2024

Waxa sanadahan dambe soo kordhaysay tirada maraakiibta iyo taankaradda laga kiraysto suuqa madow si loogu raro badeecado la kootarabaaninayo.
Walib maraakiibta iyo taankarada noocan ah waxa aad u adeegsada labada dal ee Iran iyo Ruushka iyagoo ka cararaya cunaqabataynta ganacsi iyo dhaqaale ee ay reer
Galbeedku kusoo rogeen.
Dhawaan waxa sawirkiisa lasoo dhigay baraha bulshada Taankar magaciisa la yidhaa Anita oo isticmaala calanka Sudan. Taankarkan oo la sheegay inuu ugu yaraan 23 jeer qaaday saliid u dalka Iran leeyahay ayaa waxa dakhliga Iran kasoo galay muddo 4 sanadood aheyd lagu qiyaasay $ 3 bilyan.
Sida la ogsoonyahay Iran ayaa saliidda ay soo saarto ku iibisa sicir jaban waxaana ugu badan cidda ka iibsata dalka Shiinaha iyadoo sanadkii 2023 ay Iran Shiinaha u dhoofisay 441,474,080 Foosto taasoo u dhiganta +80% saliidda ay Iran iibisay sanadkaasi oo ahayd
532,654,093 Foosto.
Mulkiileyaasha gaadiidka badda ayaa iska ilaaliya ku xadgudubka xayiraadda saaran Iran iyo Ruushka si aan dawladaha reer Galbeedku uga aarsan oo uga mamnuucin dakadahooda isla markaan culays u saarin dekadaha kalee caalamka ee la macaamila. Hasayeeshee waxa abuurmay gaadiid aan la garnayn cid leh oo lagu tahriibiyo saliidda xayiraadu saarantahay tusaale ahaan waxa biyaha badda ee Malaysia bishii May 2023 ku gubtay taankar magaciisa la yidhaa Pablo oo ka dib markii loosoo gurmaday ee la bakhtiyey la garan waayey cid kharashkii ku baxay loo raaco. Waxase la ogaaday inuu bilaa caymis ahaa oo uu dalka Shiinaha geeyey saliid tahriib ah balse uu faaruq ahaa markii dabku qabsaday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*