Latest News

Isfahamka Xuuthiga Iyo Alshabab Waxa Bisleeyey Iskusoo Dhawaanshaha Iran Iyo Al-Qaacida

Haatufonline,August 25,202
Waxay ahayd bishii May 2024 markii uu Haatufonline qoray war sheegayey inay isku xidhmeen Xuuthiyiinta Yaman iyo budhcadbadeeda Somalia ee fadhigoodu yahay gobolka Puntland. Waxase bishii bishaa ku xigtay (June)soo baxay war laga soo xigtay saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka oo muujinayey dareen ah xidhiidh iyo wadahadalo dhexmaray kooxda ay Iran taageerto ee Xuuthiyiinta iyo ururka Alshabaab ee Somalia ka hawlgala.
Inkastoo dadka aan xogogaalka ahayn ay daadafeeyeen suurtagalnimada arintaasi iyadoo ay sabab uga dhigeen mabaadiida iyo madaahiibta labada kooxood oo aad u kala fog.Dadkaasi waxay ku doodayeen in sababta aanay labada dhinac isugu keenayn ay tahay Alshabaab oo ah koox Suni ah oo ku dhaqaanta fikirka takfiiraga xagjirka ah iyo Xuuthiyiinta oo ah koox aaminsan Shiicanimada xagjirka ah ee la collaboration ah Suniga.
Hadaba waxa dad badan ka maqqan xoogta ah in dawladda Iran ee sida wayn u taageerta Xuuthiyiinta ay ka indhaqarsato marka qaar ka mid ah madaxda ururka Alqaacida ay dalkeeda soo galaan ee ay ku soo dhuuntaan oo hogaamiyaha Al-qaacida Seef Al-Cadal ee badalay Ayman Al-dawaahiri uu hadda ku noolyahay dalka Iran dawladuna ogtahay. Dabcan Al-qaacida waa halka ay Alshabaab hoostimaaddo ee ay ka taloqaadato.
Sidaas darteed xidhiidhka Iran iyo madaxda Alqaacida ayaa sahlaya in Xuuthiyiinta iyo Alshabaab ka wada hadlaan iskaashi dhex mara.
Sidan oo kale waxa dhawr sanadood muddo laga joogo is-faham dhexmaray faraca Alqaacida ee ka hawlgala Yaman iyo kooxda Xuuthiyiinta, waxaanay joojiyeen weeraradii uu midwalba ka kale la beegsan jiray iyadoo ay ku badasheen inay mararka qaarkood iska kaashadaan hawlgalo militari oo ay wada jir u fuliyaan .
Xuuthiyiintu waxay haystaan hub casri ah sida diyaaradaha Drone -ka iyo gantaalaha lidka diyaaradaha ee garabka la saaro hasayeeshee waxay ilaa 2015 ku jireen go’doomin dhaqaale oo maanta waxay u
baahanyihiin lacag.
Alshabaab waa koox lacag badan oo adagi soo gasho balse u baahan diyaarado daroon ah oo ay wax ku weeraraan iyo gantaalo ay iskaga caabiyaan diyaaradaha daroonka ah ee duqeeya.
Duruufaha caynkaas ah ayaa suurtogal ka dhigaya in Xuuthiyiinta iyo Alshabaab ay manfac iyo dano iswaydaarsadaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*