Latest News

Isku Daygii 3aad Oo Bilaabmaya Si 1 Milyan Oo Foosto Saliid Ah Looga Badbaadiyo Badda Cas

Haatufonline,September 13,2024

Waxa dhawr cisho dabadeed bilaabmaya isku-daygii sadexaad ee lagu doonayey in Badda Cas lagaga badbaadiyo masiibo deegaan oo ku habsata hadii ay ku qubtaan hal milyan oo foosto shildaal ah oo ku jira taankar ay Xuuthiyiintu gubeen 21 August. Taankarkan oo lagu magacaabo Sounion ayaa la qorshaynaya in badda laga soo jiido iyadoo laga cabsi qabo in Saliidda uu sidaa ka daadato oo ay wisikhayso biyaha Badda Cas iyo Gacanka Berberaba.
Isku dayggan cusub ee taankarka lagu soo jiidayo ayaa noqonaya kii sadexaad iyadoo ay laba hore fashilmeen ammaan darro awgeed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*