Latest News

Isku Soo Bax Lagu Taageerayo Qaranimada, Fanaaniina Lagu Abaalmarinayo Oo Lagu Qabtay Fagaaraha Khayriyada Hargeysa.

Hargeysa, June 3, 2024 (Haatufonline) – Dadweyne tiro badan ayaa caawa isku-soobax balaadhan oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland ka dhigay fagaaraha Khayriyada ee magaalada Hargeysa.
Isku soo baxan oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal dhalinyaro ah ayaa ruxayey calanka Jamhuuriyada Somaliland, waxaana goobka ka socday Heeso waddani ah.
Fanaaniinta qaranka oo iyaguna ku sugnaa fagaaraha ayaa taageero iyo maamuus loogu muujinayey kadib markii ay si mugle uga qaybqaateen Maalintii Xoriyada Jamhuuriyada Somalilan ee 26 June iyo Maalintii dib ula soo noqoshada Madaxnaanida ee 18ka May oo Fanaaniintu ay ku soo bandhigeen heeso dhacabka Somaliland jeclaysteen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*