Latest News

Israel Oo Galabta Duqaysay Dekadaha Xudayda Iyo Raas Ciisa Ee Xuuthigu Gacanta Ku Hayo

Wakaaladaha September 29,2024

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa maanta duqeeyey labada dekadood ee Xudayda iyo Raas Ciisa ee ay kooxda Xuuthiyiintu gacanta ku hayeen.

War kasoo baxay dhinaca Israel oo xaqiijiyey dhacdadan ayaa waxa lagu sheegay in duqayntan loo gaystay bartilmaameedyo ay Xuuthiyiintu u adeegsadaan arimo militari oo ay ka mid ahaayeen labada dekadood oo ay kala soo dagaan hubka ay Iran ku taakulayso,haamaha kaydka shidaalka iyo warshadda laydhka.

wararku waxay intaas ku darayaan in tobanaan ka mid ah diyaaradaha dagaalku ee ay ka qaybqaleen weerarka ay Israel kusoo qaaday labada barood.

Dhinaca kale war ay faafisay wakaaladda wararka ee Yaman ayaa waxa lagu sheegay in wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Sharciga ah ee dalka Yaman oo fadhigeedu ku meelgaadh ahaan yahay casimadda Sucuudiga ee Riyaad uu Shiinaha iyo Japan ka dalbaday inay xukuumaddiisa u fidiyaan taakuleeyeen ciidan oo wax kaga qabtaan kooxda Xuuthiyiinta ee caadaystay inay weeraro ku qaadaan maraakiibta Badda Cas isticmaala.

Wasiirka oo lagu magacaabo Muxsin Al-Daacri ayaa codsigiisan usoo bandhigay masuuliin ka tirsan labada safaaradood ee Shiinaha iyo Japan.

Dhinaca kale waxay ahayd todobaadkii hore markii uu wasiirka Daakhiliga ee Jamhuuriyadda Somaliland Maxamad Kaahin Axmad ka hadlay amaandarada ka taagan Badda Cas ee ay sababeen weerarada ay Xuuthiyiintu ku hayaan gaadiidka badda iyo waliba halis uu sheegay inay dhawaan kasoo korodhay Xuuthiyiintii iyo ururka argagixisada ah ee Alshabaab oo uu yidhi way isku xidhmeen.
Mr Kahin waxa kale oo uu iftiimiyey in Somaliland ay muddo dheer kalideed la tacaalaysay ammaandarro kasta oo soo foodsaarta xuduudaheeda dhinaca badda hasayeeshee baxaad iyo culayska hadda soo kordhay awageed loo baahanyahay in beesha caalamku ay Somaliland gacan ka siiyaan wax-ka-qabashada arimahan khatarta ku ah amaanka mandaqadda iyo caalamkaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*