Israel Oo Ku Hanjabtay Inay Dagaal Ku Qaadi Doonto Xuutiyiinta Ka Go’doomiyey Badda Cas Hadii Caalamku Wax Ka Qabanwaayo
Israel,December 11,2013(Haatufonline) – Israel ayaa ku hanjbtay inay qaadi doonto talabo dagaal oo ka dhan ah maleeshiyada Xuutiyiinta hadii ay Beesha Calamku wax ka qaban waydo weerarada ay Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta ku socota dekadaha ay Israel ku leedahay Badda Cas gaar ahaan dekadda weyn ee Aylaat.
Xuutiyiinta ayaa hore u sheegay inay weeraradoodan ugu hiilinayaan shacbiga reer Qaza isla markaana ay sii wadi doonaan maraakiibta ay bartilmaameedsanayaan ee laga leeyahay Israel ilaa iyo inta ay Israel joojinayso dagaalka ay ku hayso Qaza iyadoo ay bishi lasoo dhaafay meel ku dhaw Baabel Mandeb ka afduubeen markab weyn oo uu leeyahay maalqabeen kasoo jeeda Israel.Sido kale,
Xuutiyiinta oo adeegsanaya diyaaradaha daroonka iyo gaantalaha ridada dheer ayaa waxay sadexdii todobaad ee u dambeeyey weeraro ku qaadeen maraakiib ay leeyihiin tujaar reer Israel ahi.
Hadaba Mr Tzachi Hanegbi oo ah La Taliyaha Xukuumadda Israel ee Arimaha Ammaanka Qaranka oo Sabtidii ka hadlay arintan ayaa waxa uu sheegay in hadii ay beesha caalamku wax ka qaban waydo Xuutiyiinta ay Israel diyaar u tahay inay qaadoo talaabooyin ay kaga hortagayso ammaan darada ay Xuutiyiintu ku hayaan gaadiida maraya Badda Cas,waxaanu yidhi ” Israel waxay aduunweynaha siinaysa waqti ay isku habeeyaan si wax looga qabto mushkiladdan caalamiga hadiise heshiis laga gaadhi waayo anaga ayey na jirta sida aanu usoo afjari lahayn ee aanu uga bixi lahayn go’doomintan dhinaca badda ah”.
Leave a comment