Latest News

Jabkii Xulafadii Iran Kadib Ma Laga Yaabaa In Xuuthiga Iyo Alshabaab Isku Milmaan

Weeraradi ay Xuuthiyiintu bilaabeen Oktoobar 2023 ee ay maraakiibta la beegsanayeen waxay aakhirkii albaabada u xidheen marinadii Baddi Casayd iyo Qoorigii Suways( Sueez Canal) .
Xuuthiyiintu waxay isbideen awood dheeraad ah oo gobolka kusoo koradhay oon la loodin karayn ka dib markii ay u dhabar adaygeen duqaymihi badna ee ay Maraykanka iyo Ingiriiskuba u gaysteen balase ay joogsan waayeen weeraradii ay Xuuthiyiintu ku hayeen maraakiibta. Laakiin suaasha hadda taagani waxay tahay Xuuthiyiinta Yamani ma sii wadi karaan hawlgaladooda badda iyo halkay kooxdani ku dambayn doontaa marka la eego jabkii weynaa ee ay ciidamada Israel todobaadkan soo gaadhsiiyeen cudidii iyo xoogii militari ee Xisbula?
Sanadkan sadexda bilood ka hadhsanyihiin guduhiisa waxay Israel si xun u naafaysay dhamaan xulafadii muhiimka ahaa ee ay Iran ku lahayd Bariga Dhexe kuwaasoo ka koobnaa Xisbula,Xamaas iyo taliska Bashaar Al-Asad ee Suuriya iyadoo sadexdaasi ay afar ku ahayd kooxda Xuuthiyiinta oo iyaguna ku tiirsanaa taageerada militari iyo dhaqaale ee ay Iran ka helaan.

Israaiiliyiintu ka dib markii ay hawada ku gubeen gantaal ay Xuutiyiintu kusoo ganeen Jimcihii dhawaa waxay Axaddi iyagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka ay weerar balaadhan ku qaadeen dhamaan dekadihii,haamihii shidaalka iyo warshadihii laydhka ee ay Xuuthiyiinta isticmaalii jireen.
Waxaana hubaal ah in Israel aanay intaas kaga hadhi doonin Xuuthiyiinta balse ay sii wadi doonto duulaankeeda cirka ilaa intay kooxdaasi joojinayso gantaalaha ay kusoo ridaan dhinaca dalka Israel.
Hadaba sida kaliya ee ay Xuuthiyiintu ku sii dhaqdhaqaaqi karaan waa iyadoo Iran ay sadex jibaarto taageeradii ay hore u siinjirtay maa daama ay haataan adkaan doonto inay hesho dariiq ay wax u mariso Xisbula iyo Suuriyaba. Hadiise ay taasi dhici waydo waxa suurtogal ah in Xuuthiyiintu sii xoojiyaan ganacsigii hubka ay ka iibin jireen Alshabaab isla markaana uu xoogaysto xidhiidhkii dhawaan unkamay ee ka dhaxeeyey Xuuthiyiinta iyo Alshabaab oo ay labada kooxood ay aakhirka iskuba dhex milmaan taasoo hadii ay dhacdo noqon doonta khatartii ugu wayneyd ee soo waajahda ammaanka iyo xasiloonida mandaqadda oo idil, hadii ay tahay dhinaca barriga iyo hadii ay tahay dhinaca marinada badda iyo cirkaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*