Latest News

Jabuuti Oo Ka Cadhootay Qiimayn Banka Aduunku Soo Saaray Oo Dekedaha Wadamada Saxaraha Afrika Ka Hooseeya Kaalinta 1aad Loogu Aqoonsaday Berbera

Hargeysa, June 7, 2024 (Haatufonline) – Dekadda Berbera ee Somaliland, ayaa gashay kowaad ee Dekedaha ugu adeega wanaagsan, Wadaamada Saxaraha Afrika ka hooseeya.
Sida lagu sheegay Warbixin qiimaynt ah oo u soo saaray Bankiga Adduunku. Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, ayaa kaalinta koowaad ka cidhiidhsatay, Dekedda Jabuuti, oo hore u haysatay, taasoo sananadihii u dambeeyey hoos u dhac weyni ku yimi.
Sidoo kale, Dekedda Berbera, ayaa kaalinta 103-aad kaga jirtaa 405 dekeddood oo ku kala yaala Aduunku, halka Dekedda Jabuuti ka gashay kaalinta 379,ee aduunka.
Hase-yeeshee dawlada Jabuuti, ayaa si adag uga cadhootay warbixinta qiimeeynta Barxadaha Koonteenarada dekedda aduunka ay ku sameeyeen gaar ahaana Wadaamada Saxaraha Afrika ka hooseeya, oo ay ka gashay kaalinta 26 tanaad, halka ay Dekedda Berbera na ka gashay kaalinta koowaad, wadamada Saxaaraha Afrika ka hooseeya.

Geesta kale Somaliland ayaa si weyn usoo dhoweeysay Warbixinta qiimeeynta dekedda ee u soo saaray Bankiga Adduunku.
Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa qoraal u ku hambalyaynayo Shacabka Somaliland iyo guusha ay dekedda Berbera ku Talaabsaday ku baahiyey Bartiisa Facebook, qoraalkaas oo u dhigan sidan.
“Waxaan boggaadinayaa kaalmaha sare ee Dekedda Berbera ka gashay Dekedaha Adduunka.
Waxaa surta geliyay in aynu kaalmahaas galno shaqo wanaaga dhammaan qaybaha kala duwan ee Dekedda Berbera ka hawl-gala, DP World Berbera, Kastamka Dekedda Berbera, Ururka Geellaha, Waaxda Badda Dekedda Berbera iyo Iskaashatada Gaadiidka Tawfiiq.
Sidoo kale, waxaan idinku dhiiri gelinayaa in aad dedaalka halkaa ka sii wadaan si aynu u gaadhno kaalmo kuwan ka sii sareeya”.
Si kastaba ha ahaatee Dekedda Berbera, ayaa sannnaadihii u dambeeyey ku talaabsanayansay horumarka balaadhan, iyadoo ay iska kaashanayeen Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi iyo Shirkada Dp world, oo ku Samaysay balaadhin 400 mitir oo ah dekedda cusub oo lagu kordhiyay, iyadoo sidoo kalena dawlada Somaliland na keentay qalab cusub oo isaggu jiraa Tagaga Casriga iyo doomaha Bayloodada..

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*