Latest News

Jabuuti Oo Sheegtay In Aanay Xuutiyiinta Isku Fiicnayn, Walwal Xoogana Ka Qabto.

Jabuuti, July 21, 2024 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed ayaa walaac xoogan ka muujiyey weerarada kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ay ka wadaan badda cas, gacanka cadan iyo marinka baabul mandab.
Raysal wasaaruhu waxa uu sheegay in aanay isku fiicnayn Xuutiyiinta balse waxa uu sheegay inay ku yidhaahdeen anaga dhinacayaga waxaba idinkagama imanayaane anaga waxa ha nagu soo tuurina.
Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, Raysal Wasaaraha Jabuuti oo u waramay BBC Soomaali ayaa yidhi “Xuutiga badda cas halista galiyey anagu iskuma fiicnin.
Sidaa darteed waxa aanu walwal ka qabnaa anagu maadaama oo dhaqaalaha aanu haysanaa uu ku xidhan yahay shaqada dekeduhu qabtaan ee marinkan maraakiibtu marto ee Baabul Mandab.
Maraakiibtu alaabta ay keento Jabuuti ayaa dib loogu sii raraa oo uu maraa Indian Oceanka.
Haday ka joogsadaan maraakiibtu waxay ka soo wareegaysaa Koonfur Afrika oo markabka waxa ay ku qaadanaysaa mudo bil ah.” Ayuu yidhi Raysal Wasaaraha dalka Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*