Jilib: Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Xubno Al-Shabaab Ka Tirsan
Jilib, May 23, 2023 (Haatufonline) – Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaa-meedsaday kooxda Al-Shabaab, ka fuliyay degmada Jilib, May 20, 2023.
Sida uu sheegay Timothy S. Pietrack, ku xigeenka Madaxa Waaxda hawlaha guud ee AFRICOM, qiimeynta bilowga ah ee weerarkan ayaa waxay muujineysaa in duqeyntaasi la fuliyay iyadoo aan wax dhibaato ah loo geysan shacabka.
Lama sheegin bartilmaameedka gaarka ah ee weerarkan, inkastoo Jilib ay tahay xarunta ugu weyn ee ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa Alshabaab, ayna ku sugan yihiin ciidankooda ugu badan.
AFRICOM ayaa wrerarkan ku sheegtay tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dadaallada joogtada ah ee Mareykanka iyo xulafadiisa ay kula dagaallamayaan kooxda Al-Shabaab, oo mas’uul ka ah falal badan oo argigixiso oo ka dhacay gobolka.
Dowladdda Maraykanka ayaa sheegtay in Alshabaab ay tahay koox weli adkeysi leh, taasoo u baahan dadaal joogto ah oo caalami ah si ay uga hortagtaan khatartooda.
Leave a comment