Kenya Iyo Uganda Oo Lacag U Raadinaya Mashaariic Shiinuhu Kaga Baxeen
Haatufonline,June 5,2024(Haatufonline) – Dawladaha Kenya iyo Ugand ayaa u tafaxaytay sidii ay maalgalin ugu heli lahaayeen dhawr mashruuc oo dawladda Shiinuhu kala noqotay maalgalintoodii.
Mashruuca ugu muhiimsan ee ay lacagta u raadinayaan waa tareen isku xidhaya labada waddan oo ka dhaqaaqaya magaalada Naivasha ee Kenya oo sii maraya dekadda Kisumu ee ku taala harada Victoria ilaa uu gaadhayo magalada Malaba ee ku taala xadka Uganda iyadoo tareen kale kasoo dhaqaaqi doono caasimadda Uganda ee Kampala ilaa Malaba oo xadka Kenya iyo Uganda ku taala.
Labada dal midba waxa uu baahanyahay $6 bilyan oo ah kharashka ku baxaya khadka tareenka ee dhinaciisa la rabo in laga dhiso.
Dawladda Shiinaha ayaa hore u maalgalisay tareenka casriga ah ee isku xidha Nairobi iyo dekadda Mobaasa iyo Nairobi(472 km) iyo Naivasha iyo Nairobi(120 km) waxaanu qorshuhu ahaa in nidaamka tareenka ee Kenya la gaadhsiiyo xadka Uganda isla markaana la sameeyo khad tareen ah oo u dhaxeeya Kampala iyo xadka Kenya taasoo u shiinuhu balanqaaday inuu maalgaliyo. Hasayeeshee sanadkii 2019 ayey dawladda Shiinahu ka noqotay balanqaadkeedii.
Hadaba dalalka Kenya,Uganda,Rwanda South Sudan iyo DR Congo ayaa dhawaan ku hesheeyey inay mashruucan isku xidhka tareenka ee Kenya iyo Uganda la balaadhiyo oo la gaadhsiiyo DR Kongo, Rwanda iyo South Sudan waxaanu heshiiskani keenay in dawlado iyo bankiyad qaar u godladaan maalgalinta mashruucan wayn.
Leave a comment