Kenya Oo Ka Dalbatay Soomaaliya In Baadhitaan Lagu Sameeyo Sababta Keentay Burburka Diyaaradda African Express Airways
Nairobi, May 5, 2020 (Haatuf) – Kenya ayaa ka codsatay Soomaaliya inay baadho sababta keentay inay soo dhacdo duyuurada African Express Airways oo laga leeyahay dalka Kenya, taasoo shalay ku dhacday meel ku dhow garoonka diyaaradaha Bardaale.
Diyaarada ayaa siday sahay gargaar caafimaadka iyo
qalabka loo adeegsado Covid-19, waxaana ku dhintay dhammaan lixdii qof ee
saarnaa.
Farriinta ay u dirtay Muqdisho, ayay Nairobi codsatay in si deg deg ah
baaritaan loogu sameeyo shilka, iyadoo ka digaysa inay arrintaan waxyeelo u
geyso gaarsiinta gargaarka bini’aadannimo ee Soomaaliya.
Kenya waxay boorisay diyaaradaheeda iyo kuwa gobolka inay kordhiyaan feejignaan
dheeri ah marka loo fiiriyo duruufaha ku xeeran dhacdadan.
Wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya iyadoo la shaqeynaysa hay’adaha kale waxay ku
baaqday in si dhaw loola socdo baaritaanka dhacdadan naxdinta leh.
Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya Maxamed Salaad Oomar ayaa sheegay in dowladdu u
dirayso unug baaritaan iyagoo kaashanaya kaalmada caalamiga ah.
Leave a comment