Khasaare Xoogle Oo Al-Shabaab Ka Soo Gaadhay Dagaal Ka Dhacay Baxdo Oo Ka Tirsan Galguduud
Galguduuda, June 18, 2022 (Haatufonline) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha iyo jabka ururka Al-shabaab ka soo gaadhay dagaal deegaanka Baxdo oo ka tirsan gobolka Galguduud ku dhexmaray dadka deegaankaasi.
Muuqaalka Maydadka xubnaha dagaalkaasi lagaga dilay Al-shabaab ayaa lagu arkayey baraha Bulshada, waxaana sidoo kale Al-shabaab lagaga qabtay dagaalkaasi gaadiid miinaysan oo loogu talay galay inay qarxaan oon wali qarxin.
Wasiirka Warfaafinta maamul goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada iyo dhaawacyada ee la gaadhsiiyey Al-Shabaab uu kor u dhaafay 100 qof, inkastoo wararkii ugu koreeyey ee khasaaraha dagaalkaasi lagu gaadhsiiyey Al-Shabaab ay shergayaan ilaa 40 dagaalyahan in lagaga dilay.
Sidoo kale ka sokow gaadiidka lagu soo diyaariyey waxyaabaha qarxa, waxa kale oo dadka deegaanku ay ka qabteen Al-Shabaab maxaabiis tiro badan oo ay ku jiraan xubno ajaanib ah.
Masuuliyiinta dawlad goboleedka ayaa iyaguna sheegaya in dhinacooda ay dagaalka ku soo biireen si ay u xoojiyaan dadka deegaanka Baxdo oo Al-Shabaab la dagaalamay.
Maaha markii u haraysay ee ay dagaalamaan Ururka Al-shabaabiyo dadka deegaankan oo iyagu guryaha qoryahooda kala soo baxa marka ay maqlaan dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab ee ku soo wajahan.