Latest News

Khatarta Iskaashiga U Bilaabmay Alshabaab Iyo Xuuthiyiinta

Haatufonline, October 4,2024

Sida lagu sheegay warbaahinta waxa ururka Alshabaab iyo kooxda Xuuthiyiinta Yaman dhawaan u bilaabmay xidhiidh toos ah oo labada dhinac u saamaxaya inay iska taakuleeyaan xagga hubka iyo dhaqaalahaba.
Jiritaanka iskaashigan waxa ka hadlay qaar ka mid ah hayadaha sirdoonka ee reer Galbeedka iyo kuwa mandaqadanba.
Hasayeeshee xidhiidhkani waa mid mudo dheerba soo socday balse uu warkiisu dhawaan uun soo baxay,iyadoo uu ku bilaabmay xidhiidh aan toos ahayn oo labada dhinac ay u dhaxeeyeen rag ka mid ah Soomaalida ka ganacsata hubka kootarabaanka ah kuwaas oo Alshabaab hubka uga soo iibin jiray Xuuthiyiinta.
Waxay ahayd sanadkii 2015 markii ay Xuuthiyiintu qabsadeen caasimadda Yaman ee Sanca,sidaasna uu ku bilaabmay dagaalkii sokeeye ee dalkaasi kaasoo markii dambe uu ka dilaacay ganacsi balaadhan oo hubka Yamaanida loo iib gaynayo Somalia iyadoo inta badan laga dajin jiray xeebaha dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug.
Mudadaas ka dib Soomaslidu hubka ugu badan waxay kasoo iibsan jireen Xuuthiyiinta oo lacag adag u baahday kadib markii uu ku filaan waayey dhaqaalihii ay Iran siin jirtay.
Hadaba waa maxay khatarta siyaadada ah ee ka dhalan karta iskaashigan rasmiga ah ee u dhaxeeya Alshabaab iyo Xuuthiyiinta?

Sida la ogsoonyahay kooxda Alshabaab waxay ku dagaalami jirtay hubka fudud iyo qaraxyada,waxaanaqoryaha iyo rasaastaba ay ka iibsanjirin suuqyada madow ee Somalia ama waxayba ka furan jireen ciidamada dawladda iyo kuwa nabad ilaanta. Laakiinse waxa dhici jirtay in rasaasta iyo baaruuda laga sameeyo qaraxyadu ay mararka qaarkood ka kala go’do ama aad ugu yaraato.
Hada seh waxa xidhiidhkani Alshabaab u saamaxaya inay Xuuthixiintu ka haqabtiraan xagga hubka fudud,rasaasta iyo maadadaha laga sameeyo walxaha qarxa.
Waxa seh la ogyahay in Xuuthiyiinta uu ku balaadhay dhulkii ay maamulayeen oo ay ku dhacday dhaqaale xumo ku kalifi karta inay hub casri ah ka iibiyaan Alshabaab sida diyaradaha dagaalka ee Daroonka iyo gantalaha lidka diyaaradaha(Gamuunka) iyo qalab kale taasoo noqonaysa khatar wayn oo soo foodsaarta ammaanka Somalia iyo Somaliland iyo waliba dalalka kale ee mandaqaddaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*