Latest News

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Xafiiskooda Ku Qaabilay Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada.

Hargeysa, August 6, 2024 (Haatufonline) – Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta xafiiskooda ku qaabilay Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka JSL.

Kulankaas waxay labada dhinac ka wada hadleen wadashaqaynta ka dhaxaysa, dhanka kale Guddida Diiwaangalantu waxay warbixin ka siiyeen KDQ arimo la xidhiidha hawlaha Ururrada iyo Asxaabta Qaranka JSL oo kala ah:

  • Habsami-u-socodka hawlaha isku-biirista Ururrada iyo Axsaabta Qaranka JSL oo muddadii loo cayimay ay ku eeg tahay 14 Augost 2024.
  • ⁠Ururrada Siyaasadda ee khilaafku ka dhex jiro, kuwa ay dacwaddahoodu dhamaadeen iyo kuwa ay gacanta ku hayaan ee socda.

Uga dambayn Guddida Diiwaangalintu waxay KDQ la wadaageen, waqtiga ay u soo gudbinayaan Liiska Kama-baynta ah ee Ururrada Siyaasadda & Xisbiyada Qaranka JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*