Latest News

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Dalalka Beesha Caalamka Ee Daneeya Doorashooyinka.

Hargeysa, September 25, 2024 (Haatufonline) – Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kulan kula yeeshay xubno ka socda Bulshada Caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya arrimaha Doorashooyinka.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Komishanka ayaa xubno kale ay  shirka kaga soo qaybgala habka fogaan-aragga (Call Conference).
Kulanka waxa ka soo qayb galay wakiillo matelaya dalalka UK, US, Sweden, Finland, Germany, Denmark, Taiwan, Belgium, iyo Midowga Yurub. Komishanka ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan hawlaha diyaar-garowga doorashooyinka Somaliland oo hadda maraya heer gebogebo ah.
Xubnaha Bulsha Caalamka ayaa Komishanka uga mahadnaqay hawlaha diyaar-garowga doorashada. KDQ ayaa iyagu na si gaar ah uga mahadceliyey waddammada UK, Taiwan iyo EU oo taageero dhaqaale ka gaystay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL ee 13 November 2024.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*