Kooxaha Huwanta Oo Weerar Ku Soo Qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Ee Galbeedka Laascaanood
Laascaanood, August 20, 2023 (Haatufonline) – Kooxaha huwanta ah ee isku soo urursaday gudaha magaalada Laascaanood ayaa maanta galinkii dambe weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka Somaliland ee galbeedka Laascaanood.
Dagaalkan ayay wararku sheegayaan in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku saabsan khasaaraha dagaalka ka dhashay.
Balse ilo xogogaal ah ayaa sheegay in ciidamada qaranku ay iska difaaceen isla markaana ay dib ugu celiyeen maleeshiyaadka Huwanta gudaha magaalada.
Kooxaha Huwanta ah ayaa maalmihii u dambeeyey ku goodinayey inay weerar kama dambays ah qaadayaan balse waxa ay ciidamada Qaranka kala kulmaan mar kasta jab xoogan iyo khasaare aanay ka soo waaqsan.
Leave a comment