Latest News

Kooxaha Nabad-diidka Iyo Argagixisada Is-huwan Oo Weerar Ku Soo Qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka

Hargeysa, February 25, 2023 (Haatufonline) War-saxaafadeed ka soo baxay goor dhaweyd wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in kooxaha Nabad diidka iyo Argagixiadii is huwanaa ayaa saacad ka hor weerar ku soo qaaday Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood, iyagoo isticmaalaya hubka culus noocayadiisa kala duwan.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isagoo ilaalinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, waxay ku sugan yihiin difaacna kaga jiraan fadhiisamadooda, masuuliyada weerarkan waxaa qaadaya kooxaha wejiyada badan ee ay ka mid yihiin kuwa nabad diidka ah iyo Argagixisada oo gabaadka ka dhiganaya shacabka iyo magaalada Laascaanood.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*