Kooxda Chesea Oo Qarka Saaran Inay €70 Milyan Ku Iibsato Laacibka PSG Ee Achraf Hakimi

London,April 29,2023(Haatufonline)- Kooxda kubadda cagta ee reer London ee Chelsea ayaa qarka u saaran inay iibsato laacibka caanka ah ee kooxda Paris Saint Germain ee Achraf Hakimi.
Waxay ahayd sanadki 2021 markii ay PSG iyo Chelsea u tartameen inay Hakimi kala soo wareegaan kooxda Tayaaniga ah ee Inter Milan oo uu xiliggaasi u ciyaari jiray.
Hadaba PSG ayaa sida la sheegay aan haataan waxba ka qabin in Achraf Hakimi laga iibsado hadii la bixinayo €70 milyan taasoo ah qiimihii ay markii hore kaga soo iibsadeen Inter Milan. Waxaana la sheegay in kooxda Chelsea ay diyaar u tahay inay dhigto lacagta intaas leeg si ay ula wareegto laacibkan oo ka ciyaara khadka difaaca isla markaana ka mid ah ciyaaryahanada xulka Morocco.
Leave a comment