Cabdillaahi Kulane Iyo Sarkaal Itoobiyaan Ah Oo Ka Wada Hadlay 1500 Dhalinyardi Ku Maqnayd Eriteriya Oo Doolo Laga Soo Talaabinayo
Doolo,April 6,2022( Haatufonline)- Madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Somalia Maxamad Cabdillaahi Farmaajo ayaa waxa soo dhawaaday hirgalinta qorshehiisii baryahanba laga hadlayey ee uu doonayey inuu ku burburiyo doorashadi dalka ka dhacday isla markaana xukunka ku sii haysto.
Qorshahan oo u dhigma inqilaab ayaa waxa fulintiisa ka hadhay intay dalka soo gaadhayaan dhalinyaradi tababarka milatari ugu maqneyd Eriteriya ee Farmaajo wadankaas u diray sadex sanadood ka hor kuwaas oo dufcadda u horaysa oo ka kooban 1500 ay kusoo beegan yihiin Somalia bishan gudaheeda.
Ciidankan oo qabiil ahaan kasoo jeeda beesha Daarood ayaa waxa la soo marinaya dhulka Itoobiya waxaana laga soo galin doonaa deegaanka Doolo ee ku yaalla xadka u dhaxeeya Somalia iyo Itoobiya iyadoo sidii arintaasi loo fududayn lahaa ay maanta magaalada Doolo kaga wada hadleen sarkaal ka tirsan sirdoonka Itoobiya oo magaciisa la yiraahdo Gen.Tashuma Ayelo iyo Cabdilaahi Kulane oo ka mid ah gacanyareyaasha Farmaajo u xilsaaray hirgalinta qorshahan colaadeed.