Liverpool Iyo Arsenal Oo Barbar Dhacay 2-2 Isku Mari Waayey

London, April 8, 2023 (Haatufonline) – Ciyaar xiiso leh oo labada kooxood ee Arsenal Iyo Liverpool caawa ku dhexmartay garoonka Anfeild ayaa isku barbar dhacay kadib markii 90+6 ay isku mari waayeen 2 gool iyo 2 gool.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa shabaqa Liverpool uu gool ku hubsaday ciyaartoyga Arsenal ee G. Martinelli daqiiqadii 8aad.
Goolkii labaad ayaa Arsinal ay u suuragashay inay ka dhaliso Liverpool daqiiqadii 28aad, kaas oo uu u dhaliyey ciyaaryahanka G. JUSES.
Hase yeeshe Liverpool ayaa goolkii 1aad la timid daqiiqadii 42aad ooo uu u dhliyey Ciyaaryahanka Maxamed Salax, waxaana goolkii baraajaha Liverpool ay ku hubsatay shabaqa Arsenal xili ay dhamaadka ciyaarta wax yari ka hadhsantahay.
Leave a comment