Latest News

Ma Anaa Mindiyo Lay Qarshaa laygu Qali Doono

Waa hubaal Culumada Somalidu inay siyaasadda ku lug leeyihiin. Waa hubaal Ictisaamka iyo Shabaabku inay gacan saar leeyihiin. Oo waa hubaal in labaduba ay ka soo hor-jeedaan Jiritaanka Somaliland.

“Qosol been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad
Qulaab iyo kulaab iyo lucaab, laysu qarinaayo
Qiyaamada kobtaa daahir ah, een qun u garanaayo
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
Ma anaa mindiyo lay qarshaa, laygu qali doono?” (Faarax Nuur).

Tu kale:
“Mataan iyo Qalaadaw, rag waa lama maleeyaane
Muslin dhibawga, xaajadan malmalan, Magane yaa keenay?
Ayaa madaxda Reer Dalal Ogaas meel iskugu keenay?
Raggan wada majiirani anay ii martabayaan”
(Muxumad Liibaan Jadeer)

Sida hoos ka muuqata waxaa isku habar-wacday Ictisaamkii iyo intay shuraako ku ahaayeen arrinkaas. Oo maalmaha soo socda shirweyne ballaadhan ku leh magaalada Hargeysa. Waar nimanku intaanay dhalinteena u khudbadayn, hala weydiiyo su’aasha dawga loogu leeyahay ee ah:

“Maxaa idinka Lillaahi ah, oo ma aqoonsan tihiin Somaliland oo xaq u leh inay noqotay Qaran Madax Banaan?”

Raggaas u baahan in su’aashaas maanta la weydiiyaa, ee halkan ku sawiran inay yihiin Qoorweynta Shirweynahaasi waa;

Safka kore, bidixda ka bilaw:

1. Mustafe H Ismaaciil (HY/ Muuse Ismaaciil)
2. Cali Maxamed Saalax (Majeerteen, Cali Saleebaan. Waana reer Oslo Mustafe Sxbkii)
3. C/Rashiid Sh Cali Suufi (Ogaadeen)
4. Siciid Raage (HY/ Muuse Cabdale)
5. Bashiir Salaad /Madaxa Ururweynaha Ictisaamka (Habar Gidir/ Saleebaan))
6. Maxamed Dirir (Arab)
7. Maxamed Cismaan (Majeerteen/ Reer Khalaf)
8. Cabdinaasi H Axmed (L Caanood/Dhulbahante)
8. Xasan Cali Warsame (Burco/ HJ)

9. Almis Yaxye (HA/ Jibriil Abokor)
10. Siciid Maxamed Faarax (HA/ Nuux Ismaaciil)

 

W/Q Maxamed Daa’uud

Connect with us on Facebook