Latest News

Macaamil Ka Dhaxeeyey 2 Qof Oo Soomali Ah Iyo Ninkii Ay Iran Lacagta Usoo Marin Jirtay Xuuthiyiinta Oo Soo Shaacbaxay.

Haatufonline,October 20,2024

Siciid Al-Jamal oo u dhashay dalka Yaman oo muddo dheer ahaa ninka ay dawladda Iran soo marin jirtay dhaqaalaha ay ku naasnuujiso kooxda Xuuthiyiinta ayaa waxa dhawaan la ogaaday magacyada laba qof oo Soomaali ah oo ninkaas gacansaar la lahaa.
Al-Jamal oo muddo dheer ku noolaa dalka Iran ayaa waxay shaqadiisu ahayd inuu si qarsoodi ah caalamka uga iibiyo shidaalka ay Iran u qoondayso Xuuthiyiinta oo dabeeto lacagta kasoo baxda uu kooxdaasi usoo diro .
Warbaahinta Yaman iyo qaar ka mid ah kuwa caalamka oo arintan ka warbixiyey waxay sheegeen in Al-Jamal sameeyey khadad iyo shabakado daadsan min Iran ilaa Giriigga,Turkiga,Hidiya,Khaliijka,Yaman iyo Somalia oo uu mariyo ganacsigiisa iyo lacagta kasoo baxdaba si loo lumiyo raadkeeda maa daama ay cunoqabatayn caalami ahi saarantahay iibka shidaalka Iran oo ciddi ku xadgudubta mutaysansyso in laga mamnuuco inay wax macaamil ah la yeelato shirkadaha iyo baananka Maraykanka.
Hadaba dadka Al-Jamal la shaqaysan jiray ayaa waxa ka mid ah labada nin ee Soomalida ah ee kala ah Cabdinaasir Cali Maxamuud iyo Jaamac Cali Maxamad.
Cabdinaasir Cali oo ah maareeyaha guud ee shirkadda Adoon General Trading FZE oo deggan dalka Imaaraat-ka ayaa dawladda Maraykanku cunoqabatayn saartay ka dib markii ay ku eedaysay in isagoo ka wakiil ah Al Jamal u fududeeyey dirista lacago xawaalad ah oo lagu qiyaasay malaayiin doolar
Shirkad labaad oo xarun ku leh Turkiga oo lagu magacaabo Adoon General Trading Gida Sanayi ve Ticaret Anonim Sirketi oo uu iyadana leeyahay Cabdinaasir ayaa xayiraad la saaray .
Sida lagu faafiyey qoraal uu soo saaray xafiiska Bilayska Aduunka ee Interpol-ku sanadki 11/6/2021,Al-Jamal waxa uu ku dhoofa baasabooro iyo magacyo kala duwan oo macmal.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*