Madaarki Muqdisho Oo Lagu Kala Dareeray Iyo Ajnabiga Qaxaya
Muqdisho,March 30,2022(Haatufonline)-Dadka ajaanibka ah ayaa ka baxaya caasimadda Somalia si ay uga taxadiraan nabadgelyadooda oo khatar gasha kadib marki uu amaanki magaaladu faraha ka baxay.Dadka ajnabiga ah ee ka baxaya Xamar ayaa waxay iskugu jiraan diblomaasiyiin, shaqaalaha laamaha Qaramada Midoobay iyo hawlwadeeno u adeega ciidamada Amisom iyo qaar hawlo kala gedisan oo kale qabta,waxaanay dadkaasi dhamaantood ku noolyihiin xerada Xalane ee ku ag taala Madaarka Muqdisho.
Cabsida dhinaca ammaanka ah ee dadkan soo waajhaday ayaa ka dhalatay weerarada isdaba jooga ah ee kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka fulinayaan Muqdisho iyadoo 23/3/2022 ay toos usoo abaareen xeradi Xalane oo ay halkaas ku dileen 5 qof oo ajnabi ah.
Dhinaca kale waxa maanta lagu kala cararay madaarki magaalada Muqdisho ka dib marki hayadda Sirdoonka Somalia ay shaqaalaha mdaarka uga digtay khatar kusoo fool leh oo ka imanaysa weeraro qarxin ah oo la filayo inay kooxda Alshabaab kusoo qaadaan madaarka.Shaqaalaha ayaa marki hore amar lagu siiyey in aanay barito iman madaarka si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara hadii qaraxyo lala soo beegsado goobta madaarka.Hasayeeshee waxa dhacday in shaqaalaha intoodi badnayd ay meeshiiba ku kala dareeraan.