Latest News

Madaxda DR Kongo Oo Kusoo Hungoobay Shirkii Shiinaha

Kinshasa,September 9,2024(Haatufonline)- Madaxwaynaha DR Kongo Felix Tshisekedi iyo wafdigii u hogaaminayey ayaa kasoo noqday shirkii madaxda Afrika iyo Shiinaha ee todobaadkan lagu qabtay Beijing iyadoo aanay waxba uga suurtoobin arimihii ay filayeen inay shirka uga qabsoomi doonaan.
Madaxda DR Kongo ayaa rajaynayey in ganacsiga u dhaxeeya dalkoida iyo Shiinuhu aanu ku koobnaanin macdanta caydhin ee Shiinaha loo diro balse la blaadhiyo si loo gaadhsiiyo qaybaha kale ee dhaqaalaha sida beeraha,tamarta la cusboonaysiiyo iyo waliba in macdanta laga qodo DR Kongo gudaha dalka lagu warshadeeyo si intaan la dhoofin ay u yeelato qiimo iyo manfac siyaado ah.
Mr Tshisekedi oo ahaa madaxda Afrika kii ugu horeeyey ee soo gaadhay Peijing ayaa madaxda Shiinaha usoo bandhigay qodobada uu dalkiisu shirka ka rabo.
Inkastoo ay wasaaradda Arimaha Dibadda ee Shiinuhu intii aanu shirku furmin ay sheegtay in dalkoodu diyaar u yahay inuu qoto dheeraysiiyo iskaashiga ay DR Kongo kale leeyihiin dhinacyada waxsoosaarka beeraha iyo warshadaynta macdanta iyo tababarka xirfadaha,hadana may jirin balanqaadyo dhabahaan la taaban karo oo arimahaas ku saabsan oo afka Shiinaha kasoo baxay .
Shirka ka hor waxay madaxda DR Kongo rajaynayeen in Shiinuhu kordhin doono maalgashiga guud ee uu ku sameeyo dalkooda, iyadoo wasiirkooda Ganacsiga Julien Paluku uu sidaas ku muujiyey qoraal u soo dhigay bartiisa X oo uu Shiinaha kaga codsanayo inay qayb mudakar ah ka siiyaan $50 bilyan ee maalgashiga ah ee ay ugu talogaleen inay Afrika galiyaan sadexda sanadood ee soo socda.
Christian-Geraud Neema oo ah cilmi baadhee reer Kongo ah oo ku xeeldheer a xidhiidhka Shiinaha iyo Afrika ayaa mar uu arintan faaqidayey sheegay inay fari ku godantahay duruufaha ku gadaaman maalgashiga lagu sameeyo DR Kongo laftooda ,waxaanu yidhi ” Waxa jirta in laga cagajiidayo in la kordhiyo maalgashiga,waxaanu Shiinuhu samayn doonaa balanqaadyo laakiin ma noqonayaan balanqaadyo adag oo la oofin doono”.

DR Kongo ayaa ka mid ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan dunida,waxaana qaybo ka mid ah dalka ka socda dagaalo sakooye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*