Madaxdhaqameedka Somaliland Oo Qaddo Sharaf Loogu Sameeyey Madaxtooyada JSL
Hargeysa, February 05, 2025 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Awcabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada qado sharaf ugu sameeyey dhamaan madax dhaqameedka Somaliland .
Madax dhaqameedka ayaa ah haybada iyo sharafta qaranka Somaliland waana kuwa ka qeyb qaata ilaalinta nabada, xasiloonida iyo wada noolanshaha bulshada Somaliland.
Sidoo kale Madax dhaqameedku waxay fure u yahiin, xalinta khilaafaadka , ka hor taaga colaadaha , waxaana ay aasaas u yahiin dhisamaha Qaranka .
Leave a comment