Madaxfurasho $ 2 Milyan Ah Oo Lagu Bixiyey Siidaynta Markab Kaluumaysi Laga Leeyahay Shiinaha Oo Lagu Afduubay Xeebta Puntland
Haatufonline January 14,2025
Sida lagu xaqiijey war ay soo saartay Safaaradda dawladda Shiinahu ku leedahay Somalia, waxa shalay lasii daayey markab kaluumaysi oo lagu afduubay xeebta maamul goboleedka Puntland ee Somalia 27-kii November 2024.
Safaaraadda oo warkan Isniintii soo dhigtay barteeda
X ayaa waxay ku sheegtay in markabkii iyo shaqaalihisii 18-ka ahaa ay si nabadgelyo leh uga ambabaxeen goobtii lagu haystay oo ku beegnayd degmada Xaafuun.
Afduubayaasha Markabkan oo kasoo jeeda Puntland ayaa markii hore ku adkaysanayey in la siiyo lacag dhan 10 milyan oo Doolar si ay markabka u sii daayaan, hasa yeeshee siday ilo xog ogaal ahi sheegeen waxay aakhirkii ogolaadeen inay markabka iyo shaqaalihiisa ku sii daayaan laba milyan oo Doolar kadib markii ay sidaas ku dhex dhaxaadiyeen qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ee fadhigoodu yahay Bosaaso iyo saraakiil ka tirsan maamul gobaleedka iydoo furdaaminta arinta markabkan lagu lafa guray kulankii 8 January Bosaaso ku dhex maray Safiirka Shiinaha ee Somalia Mr Wang Yu iyo madaxwaynaha Puntland Siciid Dani.
Ilaa hadda lama oga in lacagta madax furashada ay bixisay shirkadda leh markabka oo lagu magacaabo Liaoning Daping Fishery iyo in dawladda Shiinuhu kafaalo qaaday arintaasi .
Xeebaha Puntland ayaa waxa ka kalumaysta ilaa sodomeeyo markab oo laga leeyahay Shiinaha oo rukhsado ka haysta maamulka. Sidoo kale waxa badda Somalia ka kaluumaysta ilaa lixdameeyo markab oo kale oo laga leeyahay Shiinaha kuwaasoo rukhsado laga siiyey Muqdisho.
Waxa seh tan iyo markii ay Xuuthiyiintu sanakii 2024 bilaabeen weerarada ay la beegsadaan marakiibta marta Badda Cas, waxa kor u kacay tirada falalka budhcad badeednimada ah ee ka dhaca xeebaha Somalia iyadoo ay sii siyaadaan markastoo madax furasho laga bixiyo maraakiibta ay afduubaan iyo waliba taakulayn dheerigalin ah oo la sheegay in Xuuthiyiintu siiyaan budhcad badeedda kasoo jeeda deegaan xeebeedka Puntland. Xuuthiyiinta ayaa hore u iclaamiyey inay balaadhin doonaan weeraradooda maraakiibta oo ay gaadhsiin doonaan Badwaynta Hindiya taasoo sida la sheegay ku kaliftay inay xidhiidho iyo iskaashi la yeeshaan budhcad badeedda Somalia iyo kooxda Alshabaab si ay ujeedooyinkooda iyo danahooda uga fushadaan iyadoo falalka dambiyada ah ee lala beegsanayo marinada istraatiijiga ah ee Badda Cas ,Gacanka Cadmeed iyo Badwaynta Hindiya ay walaac wayn oo amni kusoo kordhiyeen guud ahaan caalamka gaar ahaanna mandaqaddan kaabi ku haysa xeebaha ay falalkani ka dhacayaan.
Dhinaca kale lacagta madaxfurashada ah ee laga bixiyey markabkii lagu haystay xeebta Puntland ayaa la filayaa inay dhaliil xoog leh usoo jiiddo dawladda Shiinaha oo awalba lagu eedaynayey inay Xuuthiyiinta la gashay heshiis u saamaxaya shirkadaha Shiinaha inay lacag laaluush ah siiyaan kooxda Xuuthiyiinta si ay u ammaan galiyaan maraakiibta xamuulka ee laga leeyahay Shiinaha ee isticmaasha Badda Cas.
Leave a comment