Latest News

Madaxweynaha JSL Biixi Oo Shir Saacado Qaatay Madaarka Hargeysa Kula Yeeshay Wafdi Heer Saree Ah Oo Kasocday Dawladda USA.

Hargeysa,May12,2022(Haatufonline)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Niixi Cabdi ayaa galinki horee maanta shir saacado qaatay madaarka Igal International Airport ee Hargeysa kula yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socday dawladda Maraykanka.

Wafadigan oo isugu jiray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Wasaaradda Gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa sida aanu warka ku helnay dalka Somaliland ku yimid duulimaadyo toos ah oo kasoo kicitimay dalka Jarmalka iyagoo watay 3 diyaaradood.

 

Kadib markii ay dhamaysteen wadahadaladi ay la lahaayeen madaxweynaha Somaliland waxay wafdigu u duuleen booqasho dhinaca Berbera ah.

Connect with us on Facebook