Latest News

Madaxweynaha Jubaland Oo Ka Hadlay Xaaladda Xun Oo Rajiimkii Farmaajo Kaga Tagay Gobolka Gedo

Kismaayo, June 19, 2023 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Xaaladda Gobolka Gedo isagoo xusay in gobolkaas ay ka jirto siyaasad uu ka tagay rajiimkii hore ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo isla markana Jubaland iyo Dowlada Federaalka ah ay ka wada hadleen sidii Ciidamada halkaas Dowladii hore ay gaysay xal looga gaari lahaa maamulka dhawaan lasoo magacaabayna ay gobolka u tagi lahayeen si loo sii amba qaado dib u heshiisiinta gobolka isla markana loo fasaxo mashariicdii Dowladii hore ay gobolka ka xayirtay.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada Dowladaha dariska ah ee ka qeybgalay dhinaca gobolka Gedo ay u baahan yihiin maaamul sharci ah oo ay la shaqeeyaan iyo Ciidamo heer Dowlad Goboleed ah oo ay la howlgalaan taas oo meesha ka maqana ay dhabar jab ku tahay dagaalka lagu xoraynayo dalka.

Madaxweynaha oo daahfurayey Shirweynaha isku-dubbaridka xasilinta qaranka oo ay kasoo qeybgaleen Wasaaradaha arimaha gudaha heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ururada iyo Dowladaha Taageera Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhamaan masuulyiintaas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*