Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Ankara Kaga Qaybgalaya Wadahadalo Uu La Yeesho Ethiopia.

Muqdisho, December 10, 2024 (Haatufonline) -Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa socdaal ugu baxaya dalka Turkiga si uu uga qaybgalo wareegii sadexaad ee wadahadalo dhexmaraya iyaga iyo dalka Ethiopia.
Sida ay ku waramayso wakaalada wararka ee Somalia ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu casuumad ka helay Madaxweynaha Turkiga oo isagu maryigalinaya wadahadalada Ethiopia iyo Somalia.
Kulanadii hore ee Ankara ku dhexmaray labadan dal ee ku yaala Geeska Afrika ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.
Dawlada Somalia ayaa dhawaan ku eedaysay ciidamada Ethiopia inay gudaha usoo galeen gobolada maamul goboleedka Jubbaland ee Somalia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*