Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Ka Soo Saaray Masiibadii Suuqa Waaheen Ka Dhacday
Hargeysa, Apil 6, 2022 (Haatufonline) -Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo uu ku saxeexan yahay, kaas oo loogu talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa weyn ee Waaheen.
Baaqa Madaxweynaha ayaa ku socda beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta heer qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen.
Suuqan Waaheen ee ay dhawaan ka qaraxday Masiibadii dabku ayaa lagu qiimeeyay inuu yahay mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu dhaq-dhaqaaqa badan Somaliland, isla markaana xuddun u ahaa dhammaan wax kala beddelashada lacagaha qalaad ama ganacsi ee u adeegi jiray guud ahaan dalka Somaliland iyo inta badan dalalka jaarka.
Baaqa Caalamiga oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Haatufonline ayaa u dhignaa sidan;