Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Jiida Hore Ee Taliska Ciidanka Qaranka Ee Aaga Barri Ee Oog, Khudbadna U Jeediyey

Oog, August 18, 2024 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta booqday jiida hore ee taliska ciidanka qaranka ee Aaga Barri ee degmada Oog, halkaas oo madaxweynuhu salaa kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka.

Booqashadan Madaxweyne Muuse Biixi ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee uu ku tago Jiida hore ee taliska Oog tan iyo intii ciidanka qaranka Somaliland laga soo saaray magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, muddo hada ku dhaw sanad.

Madaxweyne Biixi oo khudbad u jeediyey ciidanka Qaranka ee Aaga barri oo hadda fadhiisinkoodu uu yahay Oog, ayaa ka waramay muhiimada ciidanka qaranku uu u leeyahay dal, waxaanu tilmaamay hadii qaranku aanu lahayn ciidan adag oo daafaca inuu qarankaasi yahay hilib bisil oo bisaduhuna ay cuni karaan iskaba dhaaf wax kalee.

Madaxweyne Muuse ayaa intaasi ku daray in caalamka wixii horumar ah laga sameeyo meel nabad ah oo dayr adag ku xidhan yahay, waxaanu sheegay in ciidanku ay yihiin kuwa dayrkaasi adag ah ee cadowga ka ilaaliya dal kasta, isagoo tilmaamay Madaxweynuhu in Tignoolajiyad kasta oo caalamku gaadhay ay soo saareen ama ay hal-abuureen Ciidamadu.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in bulshadu ay maanta ku dhiiradaan ka mid noqoshada ciidamada kala duwan oo aan hore loogu dhiiran jirin.

“Waxa markhaati ma doon ah in ciidanka Somaliland uu yahay bir adag oo afartankii sanadood ee u dambaysay dadkooda iyo dalkooda daafacayey, haday yihiin kuwii u shahiiday, kuwii u naafoobay iyo kuwa hadda xilkaa haya ee dalkooda daafacaya waxa maanta la qirayaa inay yihiin halyeyo naftooda u huraya inta kale inay nabadgasho oo ay hore u marto.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta booqday Jiida hore ee Taliska aaga Barri ee ciidanka Qaranka Somaliland ee Degmada Oog.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*